U bood dhigaalka

Munaasabad Lagu Soo Dhoweynayay Safiirka Cusub ee Soomaaliya oo Lagu Qabtay Turkiga

Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, taas oo lagu soo dhaweyay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga mudane Fathudin Ospite.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga Maxamed Cabdullahi Xaashi, qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safiirka cusub ee Turkiga Fathudin Ospite ayaa sheegay inay ka go’antahay u adeegista shacabka Soomaaliyeed ee Turkiga ku dhaqan iyo ilaalinta midnimadooda.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka ugu muhiimsan saaxiibada Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dhinacyo badan oo isugu jira dhaqaalaha, siyaasadda, nabad-galyada, waxbarashada, iyo caafimaadka, Jaaliyadda dalkaas ku dhaqan ayaana kamida kuwa ugu ballaaran Soomaalida caalamka ku nool.