Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa Iskaashiga, wadashaqeynta iyo mataaneynta Warbaahinnada Qaranka ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti waxaa khudbado ka jeediyey labada Wasiir ayadoo ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac uu tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo si rasmi ah loo mataaneeynayo Warbaahinta Qaranka labada Dowladood, isla markaana ay iskaashi wada shaqeyneed rasmi u yeelan doonaan .
Dhinaciisa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu tilmaamay in dhankooda ay diyaar u yihiin fulinta iskaashigan iyo iney khibrad is dhaafsi iyo wadashaqeyn la yeeshaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uga mahad celiyey wada shaqeyntiisa.




From the comments