U bood dhigaalka

Howlgal Ka Dhan ah Al-shabaab oo Ciidanka Xoogga ay Ka Fuliyeen Bariga Gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah Kooxda Alshabaab ka fuliyey dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Xuseen Cagey iyo Baraag Sheekh Caamir oo u dhow deegaanka Mesagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ayaa lagu dilay xubno ka tirsan ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa adeegaanada howdka ah ee howlgalku ka dhacay sida ay baahisay idaacadda codka ciidamada qalabka sida ku hadashaahi.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada dalka ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, ayadoo la sugayo bilaabashada wajiga labaad ee dagaalka lagu qaadayo deegaanada ay joogaan dagaalamayaasha Alshabaab ee uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud horey ugu dhawaaqay.