U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Go’aan Kasoo Saari Doona Soomaalida Dalalkooda Kusii Qulquleysa

Sheeko:MIDOWGA YURUB

Guddiga sare Midowga Yurub ayaa go’aan ka gaari doonna dal ku galka la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, guddig ayaa soo jeediyay tallaabooyin dhowr ah oo lagu xadidayo dadka imaanaya dalkaasi ee wata Passporka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in tilaabadaan sababta loo qaadaayo ay tahay in dalka dib loogu soo celiyo dadka ku yimaada sifooyinka sharci darrada ah.

Soo jeedinta noocaan oo kale ah ayaa la soo bandhigay iyadoo la isku dayayo in la xoojiyo sidii wada jir looga shaqeyn lahaa dib u soo celinta dadka aan hanaanka sharciga ah ku joogin dalalka Midowga Yurub, sida lagu daabacay barta internedka ee SchengenNews.

“Marka laga yimaado tillaabooyinka ay ilaa hadda qaadeen Midowga iyo Waddamada xubnaha ka ah ee lagu wanaajinayo iskaashiga dib-u-celinta iyo in la tixgeliyo xiriirka guud ee Midowga Yurub uu la leeyahay Soomaaliya, haddana waxaa loo arkaa in wadashaqeynta Soomaaliya iyo Midowga Yurub aysan ku filneyn, loona baahan yahay in tallaabo la qaado,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Soomaalida ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa lacag badan oo fiisaha Schengen ah, waxaana codsiyadooda fiisahan uu qaadan doonaan 45 maalmood gudahood halkii markii hore 15 maalmood ay qaadan jireen.

Mid ka mid ah sababaha la sheegay ilaa iyo hadda ee ka dambeeya qorshahaan Midowga Yurub ee lagu adkeynayo dal ku galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ah amniga. “Soomaaliya waxay wajahday caqabado waaweyn oo argagixisanimo” iyo xasillooni darro siyaasadeed, ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta travelandtourworld.