U bood dhigaalka

Muxuu Daaran Yahay Safarka Mareykanka ee Ra’iisulwasaaraha Maamulka Israel Ku Tagay?

Ra’iisul wasaaraha maamulka Israa’iil ayaa todobadkii ina dhaafay booqday dalka Mareykanka, ayadoo ay warbaahintu warinayso inuu taageero dheeraad ah u raadinayo dagaalka ay ciidamadiisu bishii 10-aad ka wadaan Qasa oo u muuqda aysan guul la taaban karo gaarin markii laga soo tago gumaadka dadweynaha reer Falastiin.

Safarkiisa oo hadal-hayn xooggan dhaliyay ayaa ku soo aaday xilli kala qeybsanaan baaxad leh iyo ismaan-dhaaf dagaalka Qasa ka dhashay ay ka aloosanyihiin gudaha Israa’iil, islamarkaana hoggaanka militariga iyo xukuumadda tell Aviv ay isku khilaafsanyihiin ujeedada dagaalka lagu hoobtay, balse aan weli natiijo wax ku ool ah laga hayn.

Socdaalkiisa ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli uu ololaha doorashada soo socata ee Maraykanku ay billaabatay, islamarkaana madaxweyne Joe Biden uu dhowaan ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka oo aanu hadda murashax ahayn, asagoo sheegay inuu u tanaasulay danta dalkiisa.

Netanyahu oo wada hadallo gaar gaar ah la yeeshay madaxda ugu sarraysa dalka Mareykanka, wuxuuna khodbad ka jeediyay Aqalka Congress-ka, sidoo kalena wuxuu kulan la yeeshay Donald Trump oo kamida musharraxiinta ugu cadcad doorashada soo socata, taas oo ay fallanqeeyaashu ku tilmaameen in Israa’iil ay doonayso inay ka sii ag dhawaato shakhsiyaadka laga yaabo inay madaxweyne Biden badali doonaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Netanyahu uu doonayo inuu Mareykanka iyo dhexdhaxaadiyaasha kale kala hadlo in dib loo billaabo wada hadalladii kala dhexeeyay xamaas si laysku dhaafsado maxaabiista labada dhinac ay kala haystaan, balse maamulkiisu weli wuxuu car car xoog leh u qabaa sii wadidda dagaalka aan hadafka sugan lahayn ee marinka Qasa.

Xeeldheereyaasha ayaa shaki ka muujinaya ka go’naasha Israa’iil ee wada hadal mira-dhal ah, xilli ay ciidamadeedu si aan loo meel dayin u duqeynayaan goobaha barakacayaashu ay gabbaadsanayaan, islamarkaana ay tirada dhimashada dadka reer Qasa 40 ku dhowdahay.