U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Howlgal Baneyn ah Ka Wadda Xaruntii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgal ka bilowday xaafado ku yaalla degmada Boondheere oo horay u ahaa dhul danguud balse ay deganaayeen dad shacab ah, dhulkaan ayaa ah dhismihii hore wasaaradda arrimaha gudaha.

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo watay Gawaarida wax lagu burburiyo ee Cagafcagafta ayaa saaka aroornimadii burburin ka bilaabay Xaruntii Wasaaraddda Arimaha gudaha ee degmada Boondheere.

Xaruntaas oo tan iyo burburkii ay daganaayeen qoysas ayaa bilihii la soo dhaafay digniin loo diraayey inay ka guuraan ah.

Dowladda Soomaaliya qoysaska ayaa inta badan ka dhaga adeegay in ay ka guuraan halkaasi, waxaana dowladda Soomaaliya ay doonaysaa in ay awood kusoo celiso.

Booliiska iyo Nabad Sugiddda ayaa xilliyadii danbe dhulalka dadka laga kicinaayo tagayaayey xilliga ay dadka hurdaan ee habeenki xilli danbe sida lagu sameeyey xaruntii dabdamiska iyo Ceelasha Biyaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in dhulalka danta guud la doonaayo kuwii dowladda Soomaaliya ay u baahato in si deg deg ah looga guuro si looga qabto adeegyada bulshada.