U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka oo Guddoomiyay Shirka Xasilinta Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta dalka iyo gaarsiinta adeegyada deegaannada.

Shirkan oo looga arrinsanayo horumaradii laga sameeyey barnaamijka xasilinta ee dawladdu hoggaamiso, kaas oo lagu gaarsiiyo adeegyada bulshada, maamul-dhiska, amniga iyo caddaaladda deegaannadii dhowaan la ga xoreeyey Al-shabaab.

Shirkan ayaa sida oo kale la gu falanqeynayaa u diyaar-garowga wejiga labaad ee hawlgallada dib-u-xoreynta ee ka socda qaybo ka mid ah dalka.