U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Maaanta Hortagay Golaha Aqalka Sare Isagoo Su’aalo Lagu Waydiiyay

Sheeko:Aqalka Sare

Golaha aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaaladda, dalka iyo hubkii dhowaan u gacan galay dadka reer Caabudwaaq, colaad beeleedyada, barakacayaasha, iyo arrimo kale wax ka weydiiyay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali ” Cali Xoosh” .

Wasiirka ayaa ugu horrayn golaha warbixin guud ka siiyay qaabka ay u shaqayso Wasaaraddu iyo hay’adaha hoos yimaada ama la shaqeeya, ka dibna senator-da golaha ayaa weydiimo kala duwan hor dhigey, kuwaas oo uu intooda badan si faahfaahsan uga warceliyay.

Su’aalaha la weydiiyay ayaa waxaa kamid ahaa hubkii dhowaan lagu boobay Caabudwaaq, wuxuuna sheegay in hubkaas ay dowladdii hore ee madaxweynaha Farmaajo keentay deegaanno gudaha Itoobiya ah oo xuduudka u dhow, halkaas oo uu muddo yaallay, ka dibna ay qolo ganacsato ahi ka soo qaadeen.

Su’aalo weydiinta wasiirka ayaa ku soo beegantay xilli ay dagaal beeleedyo lagu hoobtay bilihii la soo dhaafay ka dheceen deegaanno kala duwan oo dalka kamida, ayadoo ay Wasaaraddu u xilsaarantahay dib u heshiisiinta iyo xallinta khilaafaadka gudaha.