U bood dhigaalka

Muxuu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu Kala Hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika?

Guddoomiyaha Maxmakadda Saree ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa Xarunta Ururka Bariga Afrika ee Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania kulan kula qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Caddaaladda ee Ururka Bariga, Mudane, Garsoore Nestor Kayobera.

Kulanka waxaa goob joog ahaa garsoorayaal maxkamadda ka tirsan iyo wakiillo ka socday hay’adaha Ururka Bariga Bariga Afrika. Soojeedinno ku saabsan shuruucda, qaab-dhismeedka iyo shaqada Hay’adaha Ururka Bariga Afrika ka bacdi.

Sidoo kale kulanka ayaa si qoto-dheer loogu gorfeeyey sida Garsoorka Soomaaliya oo ay Maxkamadda Sare hoggaaminayso ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen Maxkamadda Caddaaladda Ururka Bariga Afrika, iyo sidii xirfadda hawlwadeennada Garsoorka Soomaaliya loo kordhin lahaa aqoontooda ku wajahan xeerarka iyo qaabka shaqada Maxkamadda Caddaaladda Ururka Bariga Afrika.

Gabogabadii labada Guddoomiye ayaa isku af-garteen in wadashaqaynta labada Garsoor la xoojiyo, islamarkaana la joogteeyo kulamada aqoon-iswaydaarsiga ah ee labada dhinac.
Caruusha,30, July, 2024.