U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kormeeray Deegaanka Buulo Xaaji oo Dhowaan La Xoreeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga, wasiirka arrimaha gudaha, iyo Taliyayaasha Ciidanka Xoogga dalka iyo Booliska Soomaaliyeed qayaa maanta booqasho dhiirigalin ah ugu tagay Ciidamada Darawiishta Jubaland, gaar ahaan guutada Birjeex ee fadhigoodu yahay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubada Hoose.

Guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland ayaa dhawaan dagaalka ba’an oo in ka badan 100 dagaalame lagu diley deegaanka Harboole kula galay xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo aaggaas weerar ku soo qaaday.