U bood dhigaalka

Maxay Culimada Soomaaliyeed Ka Yiraagdeen Geerida Madaxii Siyaasadda Ururka Xamaas?

Culumada Soomaaliyeed ayaa cambaareeyey dil magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran loogu geystay madaxii xafiiska siyaasadda ee ururka Islaamiga ah ee Xamaas Haniyeh, oo duqeyn lala beegsaday ku nafwaayay.

Culumada maalintii 3-aad Muqdisho Shirweynuhu uga socdo ayaa si adag u cambaareeyay dilka Ismaaciil Haniyeh ee ay Israa’iil geysatay, waxayna sheegeen in gumeystaha uu horey u dilay Shiikh Axmed Yaasiin iyo madax kale oo Xamaas ah, hadafkiisa guracanina uusan ahayn mid lagu badali karin halganka xaqa ah ee reer Falastiin.

Ismaaciil Haniyeh ayaa lagu diley duqeyn lala beegsaday goob uu kaga sugnaa magaalada Tehraan ee Caasimadda Iiraan, waxaana dowladda dalkaasi ay sheegtay inay baarayso cidda ka dambeysa khaarajintiisa, balse waxaa la tuhmayaa in Israa’iil ay weerarkaas geysatay.