U bood dhigaalka

Hoggaamiyihii Hore ee Milatariga Dalka Guinea oo 20 Sano Xabsi ah Lagu Xukumay

Sheeko:War

Maxkamad ku taal dalka Guinea ayaa ku xukuntay hogaamiyihii hore ee militariga Moussa Dadis Camara ku xukuntay 20 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Maxkamadda dambiyada ee dalka Guinea ayaa ku dhawaaqday go’aankeeda Arbacadii ka dib laba sano oo dacwad ah oo ku saabsan tacadiyo uu hoggaamiyahani u geystay dibadbaxayaal mucaarad ah oo isugu soo baxay garoon ku yaal agagaarka caasimadda Conakry, sannadkii 2009-kii.

ciidamadu ka amar qaadanayay Moussa ayaa la sheegay inay xilligaa dileen ugu yaraan 156 qof, sidoo kalena ay kufsadeen 109 haweenka, sida laga soo xigtay guddi ay Qaramada Midoobay u xilsaartay baaritaanka xadgudubyadii jeerkaas dhacay.

Maxkamada ayaa ku soo oogtay eedeymo oo isugu jira dil, kufsi, jir dil iyo afduub, waxaana loo kala saaray dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ka hor inta aan la xukumin Camara iyo todobo kale oo taliyaal ciidan ah, afar eedaysane oo kale ayaa ayagan lagu waayay dambiga, sida ay maxkamaddu ku dhawaaqday.

xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada Camara, askar militari ah, boolis iyo maleeshiyaad lagu eedeeyay in ay geysteen xasuuqa, waxayna maxkamaddu amartay in magdhow la siiyo dhibanayaasha, taasoo u dhaxaysa 200 milyan ilaa 1.5 bilyan oo faranka Guinea ah, una dhiganta 23,000 ilaa $174,000.

Kabtan Moussa Dadis Camara ayaa dalka Guinea madaxweyne ka ahaa muddo labo sano ah oo ah intii u dhexaysay sanadihii 2008-dii illaa 2010 xilligaas oo ay militarigu dalka maamulayeen , ka dib markii ay afgembi kula wareegeen talada ka dib dhimashadii madaxweyne Lansana Conté.

Goobjoog.com