U bood dhigaalka

Ururur Goboleedka IGAD oo Si Adag o Cambaareeyay Weerarkii Ka Dhacay Xeebta Liido

Urur goboleedka IGAD ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii foosha xumaa ee Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayadoo ku tilmaamay dhacdo naxdin leh oo lagu gumaaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Xoghayaha fulinta ee IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibanayaasha, wuxuuna u rajeeyay caafimaad degdeg ah oo buuxa kuwa ay dhibaatadu saameysey, sida lagu yiri war qoraal ah oo ka Soo baxay ururkan ay dalalka bariga Afrika ku mideysanyihiin.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa falkan waxashnimada ah ee argagaxisanimada ah, weerarada fulaynimada ah ee caynkaas ah ma wiiqayaan go’aanka dawladda Soomaaliya, dadkeeda adkaysiga leh iyo guud ahaan gobolka, taa beddelkeeda, waxay xoojin doontaa go’aankeenna wadajirka ah ee ku aaddan dib-u-dhiska Soomaaliya, meeshana looga saari lahaa aafooyinka argagixisada,” ayuu yiri Dr. Workneh.

IGAD ayaa dhanka kale sheegtay in ay ka go’antahay taageerada dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana warkani uu ku soo beegmayaa xilli saacado ka hor qaraxa ay ku dhowaad 40 qof ku dhinteen, dhowr 60 kalena ay ku dhaawacmeeni uu ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.