U bood dhigaalka

Shirka 9-aad ee Wasaaradaha Awqaafta iyo Diinta Wadamada Jaamacadda Carabta oo Sucuudiga Kusoo Gabagaboobay

Shirkii 9-aad ee wasaaradaha diinta dalalka islaamka ayaa lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Maka ee dhulka barakaysan ee Sacuudiga, ayadoo laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga Wasaaradaha arrimaha diinta ee dunida muslimka.

Shirka oo uu Soomaaliya ku matalayay wasiir Mukhtaar Roobow Cali aw mansuur ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga wasaaraha Awqaafta, ayadoo lagu salaynayo cilmi baaris dhab ah, islamarkaana la saxayo khodbadaha diiniga ah si ay u noqdaan kuwo ilaalinaya karaamada dadka islaamka ah, iyo ki dhaqanka diinta suuban.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ka jeediyay khodbad uu kaga hadlay sida looga hortagi karo fikradaha xagjirka ah ee falalka argagixisanimo dhalin kara, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in dhammaan layska kaashado sidii loo cirib tiri lahaa aragtiyaha noocaas ah, asagoo dowladda Sacuudiga ugu mahadceliyay marti-gelinta shirka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sanadihii la soo dhaafay dhibanaha u noqday falalka argagixisinimada ah, ayadoo muddo ku dhow 20 sano dagaal kula jirtay kooxo aragti xagjirnimo ah qaatay, ka dibna dhawaaq hubaysan isku badelay.