Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulankoodii todobaad laha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay laba xeer oo waweyn oo kala ah xeerka doorashadooyinka iyo xeerka ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka.
Kulanka golaha wasiirada oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si aqlabiyad leh u ansiyay labadan xeer oo kamid ah habraacyada waaweyn ee hannaanka siyaasadda dalka.
Labadan xeer ayaa hagi doona hannaanka doorashadooyinka dalka, islamarkaana waxay ahmiyad u leeyihiin ka qeyb qaadashada dadweynaha ee hab maamulka dalka maadaama ay talada dib ugu celinayaan shacabka oo dadka talaya u codayn doona, sida ay xukuumaddu sheegtay.




From the comments