Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo warbixin ku saabsan Geeddi-socodka sameynta Baasaboorka Soomaaliya ee Jiilka Saddexaad (Polycarbonate E-Passport), kaasi oo fududeyn doona isku-socodka, dib-u-habeynta Baasaboorka dalka iyo habka ay ku helayaan muwaadiniinta.
Wasaaradda Amniga Gudaha oo warbixin faahfaahsan oo wadata xog naqshadaysan oo ku saabsan baasaboorka iyo tirakoobyo, ayaa warbixinta ku sheegtay in gebi ahaanba la joojiyay wax ka badelka xogta shaqsiga ah ee baasaboorka si loo xaqiijiyo sumcadda baasaboorka.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinnada Heerka Waxqabadka Wasaaradaha ee Rubuca 1-aad iyo Rubaca 2-aad ee (Q1- Q2 Ministerial Performance) iyo Qorshaha—Horumarinta Nidaamka Shaqada Golaha Wasiirrada (E-Cabinet System) kuwaas oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta sarsare ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo khubaro.




From the comments