Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay saddex siyaasad qaran iyo laba heshiis oo caalami ah, kuwaas oo la xiriira horumarinta waxbarashada, ilaalinta xuquuqda carruurta, nidaaminta hijrada iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Siyaasadaha qaranka ee la ansixiyay waxaa ka mid ah Siyaasadda Qaran ee Waxbarashada Farsamada iyo Tababbarka Xirfadaha, taas oo la xiriirta horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Kafaalada Carruurta Soomaaliyeed iyo Siyaasadda Qaran ee Nidaaminta Arrimaha Hijrada, kuwaas oo diiradda saaraya arrimaha ilaalinta carruurta iyo nidaaminta socdaalka.




From the comments