U bood dhigaalka

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo qorshaysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.

Sheeko:War

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howl-gallo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhaca Waqooyiga Magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.

Howlgalladan ayaa u jeedkoodu ahaa xaqiijinta nabad-gelyada iyo furista wadada Xariirisa Qurac-joome iyo magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalkan ayaa waxa hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad dhamme Cilmi Aadan Isaaq iyo Taliyaha sahanka guutada dhamme Aadan Gaabow isaaq.

Sidoo kale deegaanka exmed-kooray oo qiyaastii 60-Km ujirta Magaalada Xuddur, waxaana ay kooxda Al-Shabaab wadadaas ku lahaayeen baro jod gooyo oo ay dadka iyo gaadiidka ku fatashaan, ayadoo ciidanku ay inta badan soo dhaafsiyeen Gawaari shacab ee ku xayiran goobahaas sida ay saraakiishu sheegeen.