U bood dhigaalka

Dowladda iyo Ganacsatada oo ka wada-hadlay canshuuraha iibka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukyumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo kulankaas diiradda lagu saarayey hannaanka canshuurah iibka oo ay dowladdu dhowaan soo rogtay, balse cabasho xoogan laga muujiyay

Wadahadalladan ayaa la xiriiray sidii loo waafajin lahaa canshuuraha la casriyeeyay baahiyaha iyo xaaladaha kala duwan ee ganacsatada, iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen, isla markaana ay Xukuumaddu ballanqaadday in ay wax ka qaban doonto.

Ganacsatada ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay albaabada isugu dhifanayaan dhammaan xarumohooda, sidoo kalena aysan wax dibadda ka keensan doonin inta laga xallinayo tabashadooda oo ay ugu horrayso culaysyo ay sheegeen inay dekadda ka kala kulmaan, balse dowladda ayaa hadda ballan-qaaday in cabashadooda wax laga qaban doono.