Ayadoo labadii todobaad ee la soo dhaafay wadeyaasha gaadiidka loo yaqaanno Bajaajtu ay dhigeen dibedbaxyo cabasho ah oo ku saabsanaa qidmadda oggolaansha darawalnimo oo lagu kordhiyay ayaa waxaa arrintaas qodobo xal u ah soo saaray wasaaradda gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Benaadir.
War saxaafadeed warbaahinta loo akhriyay oo arrintaas ku saabsan ayaa lagu sheegay in lacagta lagu goosto oggolaansha mooto wadista laga dhigey $106.5 dollar, kaas oo aan dhacayn muddo 5 sano ah, haddii muddadaasi dhammaatona lagu cusboonayn karo $32.
Sidoo kale wasaaradda gaadiidka iyo maamulka Gobolka Benaadir ayaa sheegay in Bajaajlihii ay warqadda oggolaanshaha wadistu ka luntaahi uu ku soo daabacan karo lacag $20 ah, halka qidmaddii laga qaadi jiray daweyaasha marka la baarayo bedqabka araggooda oo horay u ahayd $25 dollar hadda laga dhigey $15 dollar.




From the comments