U bood dhigaalka

Goobaha ganacsiga intooda badan oo ka guuray akoonadii iyo numberadii lagu yaqaanay

Xilli dhowaan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay hirgelisay hannaanka canshuuraha iibka oo ah qidmad ka go’aysa labada dhinac ee wax kala iibsanaya gaar ahaan macmiilka alaabta gadanaya ayaa inta badan goobaha ganacsiga Magaalada Muqdisho waxay iska badeleen akoonadii diiwangashanaa iyo numberadii derbiyada ugu dheganaa.

Xarumahan ayaa u guuray numberro gaar ah oo macmiilka afka looga sheegayo, islamarkaana si qarsoodi ah ay ugu ganacsanayaan ayadoo sababta loo aanaynayo faham darro iyo cabsi laga qabo canshuuraha iibka oo aan dadka iyo ganacsataduba si feecan u fahmin.

Arrintan ayaa muujinaysa kalsooni darro iyo cabsi soo wajahday ganacsatada taas oo ka dhalatay canshuuraha iibka oo aysan si feecan u fahmin qaabka ay u go’ayaan iyo cidda laga rabo, qaarkoodna waxaa laga yaabaa inay ka gaashaamanayaan hoos u dhac dhanka macaamiisha ah maadaama canshuurtani ay qasab ka dhigayso in qeymaha badeecooyinka iyo adeegyada la kordhiyo .

Si kastaba ha ahaatee Dowladda ayaa laga rabaa inay dadka ku wacyi-geliso inaysan canshuurtani wax culays ah bulshada u keeni doonin, islamarkaana tusaaleyaal ay wax ku fahmi karaan u soo bandhigto si cabsida iyo canshuur ka dhuumashadu ay meesha uga baxaan.