Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa waxaa xirnaa qeymo kamida suuqa weyn ee Bakaaraha, waxayna ganacsata qaarkood oo halkaas dibedbax tamasho ah ka dhigey sheegeen inay jiraan culayso lagu hayo oo aanaysan u dulqaadan karin.
Shaqa joojinta ay ganacsatadu sameeyeen ayaa ku soo beegantay maalintii uu dhaqan-galayay hannaanka canshuuraha iibka oo dowladdu ay dhowaan soo rogtay, waxayna arrintaasi dhalisay hadal-hayn ah in ganacsatadu ay diidanyihiin canshuurtaas la soo kordhiyay.
Haddaba wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay inaysan ganacsatadu diidanayn bixinta canshuurta, balse ay cabasho ka yihiin dhibaatooyin kale oo lagu hayo, ayna mudanyihiin in looga garaabo oo laga dulqaado.




From the comments