U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay diyaar u tahay in Itoobiya ay Dekadaha ganacsi ahaan u adeegsato

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay kulan dadweyne, islamarkaana ka jawaabayay su’aalo madashaas lagu weydiiyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in Itoobiya ay wax kala soo degto oo adeegsado dekadaha kala duwan ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii Itoobiya ay soo marto hannaanka caalamiga ah iyo sharciyada dunida ee ay ku wada dhaqmaan dalalka badda leh iyo kuwa xirani ay Soomaaliya oggoshay in Itoobiya si lamida sida ay dekadaha Jabuuti u adeegsato ay wax kala soo degto dekadaha kale ee Soomaaliya.


Wuxuu intaa ku daray in aan marnaba la aqbali karin in badda Soomaaliya loo adeegsado sida goobo ciidan oo saldhigyo militari laga dhigto, sidoo kalena aan cidna laga kirayn karin ayadoo loo marayo heshiisyo sharci darro ah oo dalka madax-bannaanidiisa xadgudub ku ah.

Itoobiya ayaa weli ku dheggan dameceedii gurracnaa ee ay ku doonaysay in ku qaadato qeyb kamida badda Soomaaliya, balse madaxda dowladda iyo dadweynaha Soomaaliyeed waxay wacad ku mareen inay arrintaas si walba oo ay ugu hortagi karaan ku wajahayaan.