U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka XDS oo booqday cutubyo ka tirsan ciidanka oo dagaalka Al-Shabaab loo diyaarinayo.

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta dhiira-galin u sameeyay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo qaatay tababar iyo dib u habeyn xoogan.

Ciidamadaan ayaa muddo dhowr bil ah qaatay tababar muhiim ah maadaama ay furimaha dagaalka ku qaateen waqti badan, waxaana lagu dhiira-galiyay inay sii laba jibaaraan waajibaadka ka saaran difaaca Qaranka.

Waxay ka mid noqonayaan Ciidamo si heer sare ah loo tababaray loona diyaariyay Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si ay uga saaraan goobaha uu wili uga suganyihiin gobolalada dalka.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa kooxda Al-Shabaab ka saaray magaalooyin badan oo isugu jira degmooyin iyo tuulooyin intii lagu jiray wajigii koobaad ee dagaalkii madaxweynuhu horay ugu dhawaaqay, haddana waxay isku diyaarinayaan guluf cusub oo kooxda ka dhan ah.