Booliska Jarmalka ayaa sheegay, in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen afar kalana ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, kaddib marki nin ku hubeysan toorreey uu weeraray goob ay ka socotay xafald dabaaldag ah oo ku taalla magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka.
Qoraal kasoo baxay booliska oo lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ah ayaa lagu sheegay, in xalay abbaaro 10-ki fiidnimo uu hal nin oo aanan wali la aqoonsan uu dhowr qof ku middiyeeyay meel lagu caweeynayay, isla markaana uu ninkaasi wali baxsad yahay.




From the comments