U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay Suuqii ugu muhiimsanaa Ceelasha biyaha oo gubtay

Sheeko:War

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno degaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho waxaa xalay gubtay suuqa Marwo oo ka mid ahaa Suuqyada ugu muhiimsan deegaanka.

Waxaa basbeelay ama gubtay inta badan suuqa ka dib saacado uu ka socday dabka.

Wararka ayaa sheegaya in gudaha Suuqa lagu xiray Miinooyin ka dibna sidaasi lagu qarxiyay.

Suuqa Marwo ayaa shalay lagu xiray Kaamirooyinka Amniga. wararka qaar waxa ay sheegayaan in digniino joogta ah ay kaga imaanaayeen ganacsatada kooxda Shabaab.

Suuqa ma helin dadaalo lagu daminaayo taasoo keentay in ganacsato badan ay ku hanti beelaan.

Hadda Ganacsatadii ayaa hor dhooban Suuqa ka dib markii lagu guuleystay in la Damiyo.

Wali si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay dabka.

kala soco Goobjoognews.com wixii kusoo kordha.