U bood dhigaalka

3 bilood ka dib howlgalladii Booliska maxaa iska badelay dhaqan-xumadii baraha bulshada ?

Muddo ku siman 3 bilood ayaa laga joogaa xilligii ay booliiska Soomaaliya billaabeen howlgal ballaaran oo ay kula dagaalamayaan dadka baraha bulshada ku soo gudbiya waxyaabaha dhaqan-xumada ah ee anshaxa suuban iyo hab-dhaqanka islaamka ka soo horjeeda.

Laamaha nabad-gelyada gaar ahaan booliisku waxay xilligaas xabsiga u taxaabeen dhallinyaro badan oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ka wadeen falal anshax xumo iyo kala qeybin dadweyne isugu jira, waxayna dadaal dheer oo aad loo bogaadiyay u galeen sidii meesha looga saari lahaa dhaqan-xumada ku sii fidaysa bulshada dhexdeeda.
Gulufkaas booliisku qaadeen oo taageerada buuxda ka haystay dadweynaha qeybihiisa kala duwan ayaa horseeday hoos dhac baaxad leh oo ku yimid falalkii anshax xumada ahaa re lagu faafin jirey baraha bulshada, waxaana haatan muuqanaysa in is badel weyni ku yimid waxyaabihii lagu baahin jirey meeragaha Internet-ka.

Si kastaba ha ahaatee anshaxa xumadii ka socatay gudaha dalku aad ayay hoos ugu dhacday, balse dadka ku nool dibedda qaarkood ayaa weli ku foogan baahinta muuqaallo iyo hadallo anshax iyo xishoodba ka maran, kuwaas oo loo baahanyahay in howlgal kii hore ka ballaaran oo culumo iyo caamoba ay u mideysanyihiin.

Dagaalka looga hortagayo anshax-xumada iyo waxyaabaha diinta lidka ku ah ayaa ah masuuliyad wadareed dadkoo dhan xil ka saaranyahay, islamarkaana dowladda keligeed aan lagu hallayn karin, waxaana lama-huraan in si wadajir ah loo wajaho.