U bood dhigaalka

Somaliland oo bayaan ka soo saartay shaqaaqada ka taagan magaalada Ceerigaabo

Sheeko:War

Xukuumadda Somaliland, waxay ugu baaqday dadka Walaalaha ah Degaanada Koonfurta Gobolka Sanaag ee ay shalay shaqaaqadu ka dhacday in ay nabadda ilaaliyaan. waxaa ay sidoo kale sheegtay in kooxaha Bulshada iska horgeynaya laga qaadi doono tilaabo sharciga waafaqsan.

“Xukuumadda Somaliland, waxay ilaalinaysaa nabadgelyada shacabkeeda, wada noolaashaha Bulshada Gobolka Sanaag, waxayna Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan kooxa abaabulan, kuwaasoo waxyeelaynaya nabadgelyada guud iyo wada jirka Bulshada Gobolka Sanaag” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland

Waxay Xukuumadda Somaliland mar kale ku baaqday dadka shacabka ah in ay ilaaliyaan nabadgelyada, kuna wada noolaadaan nabadgelyo, cidkasta oo nabadooda waxyeelaynaysana ay ildheer ku eegaan iyagoo isku mid ah.

Xukuumadda Somaliland waxay Tacsi u dirtay dadkii ku dhintay shaqaaqadaas.