U bood dhigaalka

Itoobiya ma waxay marmarsiyo u raadinaysaa xadgudub kale oo ka dhan madax-bannaanida Soomaaliya ?

Sheeko:Dalka

Waxaa todobaadkan magaalada Muqdisho soo gaaray diyaarado militari oo Masar ay leedahay, kuwaas oo la sheegay inay hub iyo ciidan wadeen, islamarkaana ay hordhac u yihiin kumanaan askari oo dalkaasi uu doonayo inuu Soomaaliya u soo daabulo.

Sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inaysan oggolaan doonin in ciidamada Itoobiya ay qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee ATMIS badeli doona dhammaadkan sanadkan, haddii aysan Xukuumadda Abii Axmed ka laaban heshiis xadgudubka ah ee Soomaaliland ay la gashay.

Masar dhineceeda waxay caddaysay inay doonayso in ciidamadeedu qeyb ka noqdaan howlgalka cusub, ayadoo heshiis difaac la gashay Soomaaliya, kaas oo ku soo beegmay xilligii uu guuldarraystay wajigii labaad ee wada-hadalkii magaalada Ankara labada dowladood.

Haddaba Itoobiya oo ka falcelinaysa imaatinka diyaaradaha  militari ee Masar ay Muqdisho yimaadeen ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegtay inuu yahay digniin ku saabsan xasillooni darro ku soo wajahan geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ka walaacsantahay halis baaxad leh oo ka dhan karta kala guurka howlgalka ATMIS, ayadoo tilmaantay  suurtagalnimada in colaadaha Soomaaliya ka jiraahi xoogaystaan sida ay hadalka u dhigtay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abii Axmed.

Dhanka kale Addis ababa waxay sheegtay inay qaadayso tillaabooyin ay ku ilaashanayso daneheeda, islamarkaana ay ku muujinayso saamaynteeda gobolka, ayadoo hoosta ka xariiqday in beesha caalamku ay ku baraarugi doonto walaaceeda ku aaddab xaaladda gobolka.

Ka sokow in Itoobiya ay dharbaaxo kulul u aragto imaanshaha Ciidanka Masar, islamarkaana ay ku hungowday dameceedii ahaa inay qeyb kamida badda Soomaaliya heshiis beenaad ku qaadato, waxaa muuqanaysa inay raadinayso marmarsiyo xadgudub horleh ugu samaynayso madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba xeeldheereyaasha ayaa ku talinaya in dowladda Soomaaliya ay qorshaha ku darsato ka hortagga tillaabo kasta oo ay Itoobiya ku carqaladaynayso imaanshaha ciidamada masaarida, islamarkaana ay ka foojignaato in dalal danodooda ilaashanayo oo is diidani ay gudaha Soomaaliya ku dagaalamaan.