U bood dhigaalka

Itoobiya oo qaaday tillaabo kale oo xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xilli saacado ka hor dowladda Itoobiya oo ka falcelinaysa imaanshaha ciidamada masar ee gudaha Soomaaliya ay ku hanjabtay inay qaadayso tillaabooyin ay ku muujinayso saamaynteeda gobolka ayay maanta samaysay fal xadgudub ku ah midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Tillaabada ay Itoobiya qaaday ayaa ah in safiir buuxa oo ay u magacaabatay Soomaaliland uu maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay hoggaamiyaha maamulkaas muuse Biixi, taas oo u muuqatay mid ay Itoobiya cadaadis ku saarayso dowladda Soomaaliya.

In Itoobiya ay safiir buuxa u magacaabato Soomaaliland ayaa ah xadgudub bareer ah oo u dhigma duullaan ay ku soo qaaday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya la gudboon inay arrintaas jawaab wax ku ool ah ka bixiso.

Goobjoog.com