U bood dhigaalka

Federaalka Soomaalidu ma si kalay u fahamtay?

Sheeko:Dalka

Soomaaliya waxay qaadatay hannaanka Federaalka muddo haatan laga joogo 20 sano ka hor, waana mid kamida natiijooyinkii ka dhashay dagaalladii sokeeye ee sanadaha badan socday iyo maamullo deegaanada qaar ka hana-qaaday oo diidanaa dhismaha dowlad dhexe oo awoodda fulintoo dhan wada yeelata.

Asal ahaan yaa keenay ? Soomaaliya’se ma ku habboonyahay waa weydiimo aan weli warcelin lagu qanci karo loo hayn, balse federaalku waa hannaan maamul oo dunida inteeda badan ka jira, kaas oo loogu talo-galay in xukunka iyo adeegyada hormarinta lagu gaarsiiyo dadweynaha ku nool gobollada iyo degmooyinka.
Dowlaha gobolladu waxay leeyihiin awood sharci oo ay ku maamuuli karaan adeegyada nolosha dadweynaha iyo hormarinta deegaanka ku saabsan sida caafimaadka, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay dhismaha jidadka ugu horreeyaan, iyo arrimaha  garsoorka.

Dadweynaha gobollada ku nool ayaa dooranaya cidda hoggaaminaysa oo daboolidda baahiyadooda gacanta maamul u baahan ka shaqaynaysa, ka sokow intii ay sugi lahaayeen waxqabadka dowladda dhexe oo dalkoo dhan masuul ka ah culaysyo badani ay haysan karaan.

Federaalka inta badan Waxaa qaata dalalka ay ku noolyihiin dadka diimaha iyo isirka ku kala duwan oo doonaya inay qolo waliba gaarkeeda isku maamusho, danta guud iyo qaranimadana ay ilaashadaan sida Itoobiya oo ay deganyihiin in ka badan 80 qoymiyadood oo Af ahaan, diin ahaan iyo dhalasho ahaanba kula gadisani.

Haddaba qaabka ay Soomaalidu u fahamtay federaalka ayaa u muuqda in dowladda dhexe iyo midda gobolku ay leeyihiin awood siman, mararka qaarna ay sidii laba dal oo kala madax-bannaan u dhaqmi karaan, walibana midka kale xariirka u jari karo.

Tusaalaha ugu dhow ee arrintaas laga dheehan karo ayaa ah in ayadoo cadow dibedda ah sida Itoobiya ay dowladdeena is hayaan, islamarkaana qeyb kamida dhulka Soomaaliya la doonayo in boob lagu qaado, ayaa haddana meelaha qaar waxaa laga taageerayaa cadowgii oo laga dhiganayo gacal aan laga maarmin.

Haddaba waa su’aal is weydiin mudane ma Soomaalida ayaa si kala u fahantay mise mooca Federaalka ee la qaatay ayaa kala qeybsanaan maamul iyo israac la’aan dadweyne ku qotoma?