Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dekad buuxda siiso dalka Itoobiya, si loo ilaaliyo madax-bannaanida Soomaaliya, islamarkaana loo dajiyo xiisadda labada dhinaca.
Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlayay BBC-da ayaa shaaciyay in dalkiisu uu hayo hindise lagu xallin karo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, asagoo sheegay inay Jabuuti ay marin badeed siinayso Itoobiya, islamarkaana la dhisayo waddo cusub oo Itoobiya iyo baddaas isku xirta.
Waxa uu intaa ku daray ay dekedda ay Itoobiya siinayaani ay noqon doonto dekedda Tadjoura oo 100KM u jirta xuduudka Itoobiya, taas oo xal u moqan doonta xiisadda culus ee Soomaaliya iyo Itoobiya.




From the comments