U bood dhigaalka

Suuqa ugu weyn degmada Garasbaaley oo gubanaya

Sheeko:War

Sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo waxaa gubanaya Suuqa weyn ee Xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Degmada Garasbaaleey ee Muqdisho.

Suuqaan oo ahaa mid si weyn u camiran waxaa ku ganacsanayay boqolaal ganacsato u badan Danyar.

Sida ay noo xaqiijiyeen Goobjoogaayaal inta badan waxaa gubtay Suuqa qeybihiisa kala duwan.

Dabka Suuqa ayaa ka dhashay ka dib markii gudahiisa ay ka dhaceen qaraxyo. wararka qaar ayaa sheegaya in Suuqa lagu xiray Miinooyin.

Waxaa loogu howlanyahay daminta suuqaan inkastoo dabka qabsaday uu yahay mid weyn oo illaa iyo iminka maareentiisu ay qaadatay waqti badan.

Dhawaan ayay aheyd markii guud ahaan ay gubteen Suuqyada Marwa iyo Safa ee Deegaanka Ceelasha Biyaha ka dib markii qaraxyo lagu xiray.