U bood dhigaalka

Falcelin xoog leh oo ka dhalatay xildhibaanno ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Sheeko:Dalka

Falcelin xoog leh oo ka dhalatay xildhibaanno ka soo jeeday deegaanada koonfur galbeed ayaa qabsatay baraha bulshada iyo fagaareyaasha dadka Soomaaliyeed ku kulmaan, waxayna dadweynaha intooda badani falkaas ku tilmaameen gef ka dhan qaranimada dalka.

Xildhibaanadan oo ka soo jeeday gobolka Bakool ayaa si taban uga  hadlay gardarrada iyo damaca guracan ee Itoobiya ay ku doonayso kala dhantaalidda midnimada Jamhuuriyadda fedaraalka Soomaaliya iyo qaadashada qeyb kamida badda, waxayna muujiyeen dareen ay dalkaas cadowga ah ku taageerayaan.

Mudaneyaashan qaarkood oo tilmaamay inay dowladda Soomaaliya uga aragti duwanyihiin qaabka ay u wajahayso howlgalka cusub ee ATMIS badeli doona ayaa warbaahinta la hadlay xilli xiisadda labada dal ay cirka isku sii shareerayso, waxayna sheegeen in Itoobiya ay dalka Abaalweyn ku leedahay sida ay hadalka u dhigeen, balse maaliyiin dadweyne ah ayaa ka carooday weeraha Itoobiya farxadda u ah ee ay ku hadleen.

Aqoon-yahannada  iyo dad dhiigga waddaniyaddu ku jirto oo qaarkood soo jeediyay mudaneyaashan xasaanadda laga qaado ayaa ku eedeeyay dhabar jabin qaran iyo taageero u muujin cadow horar ah oo dalka qeyb kamida diorama inuu xoog ku qaato.

Si kastaba ha ahaatee mudaneyaashan oo ka soo jeeda gobolka Bakool ayaa xaq u leh inay dowladda kala hadlaan cidda masuulka ka noqanaysa nabad-gelyada gobolkaas bixitaanka Ciidamada Itoobiya ka dib, balse inay si cad u taageeraan cadowga oo ay ku tilmaamaan gacal abaal weyn ku leh dalka ayaa loo arkaa meel ka dhac weyn oo qaranimada Soomaaliya ka dhan ah.