U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo soo dhex galay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Sheeko:War

Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell, ayaa kulan muhiim ah oo dhanka qadka ah sheegay in uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadaha gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.

Midowga Yurub ayaa xaqiijiyey ixtiraamka buuxa ee ay u hayaan midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Borrell wuxuu ku adkeeyay sida muhiimka ah ee ay tahay in la taageero dadaallada nabadda iyo xasiloonida gobolka, isla markaana uu sheegay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo sidii xal waara loo heli lahaa.

Khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xoogaystay bilihii lasoo dhaafay, kaddib markii Itoobiya ay heshiis beeneed badda ku saabsan gashay Somaliland.

Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskan in uu yahay xad-gudub ku yimid madax-bannaanideeda, maadaama Somaliland aysan caalamka oo dhan laga aqoonsan.

Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga iyo wadashaqeynta u dhaxeysa Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyadoo la raadinayo qaababka lagu xallin karo khilaafka jira iyo sidii loo taageeri lahaa nabadda iyo xasiloonida gobolka.