U bood dhigaalka

Guddoomiyaha aqalka sare oo kulan la yeeshay Danjiraha Qatar

Sheeko:Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdallag Bin Saalim Alnuceymi

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Safiirku ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, arrimaha bani’aadannimada, iyo dardargalinta taageerada dhinacyada horumarinta Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale safiirku waxaa uu ballanqaaday inuu ka shaqayn doono in xiriir toos ah ay wada yeeshaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shuurada Dowladda Qadar, si ay isu waydaarsadaan khibrada shaqo, sharci dajin iyo kor-joogtayn.