U bood dhigaalka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Serbia oo booqday kulliyadda lagu barto wadista diyaaradaha ee dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa Maanta booqasho ku tagay kuliyadda lagu barto wadidda gaadiidka hawadda, gaar ahaan Diyaaradaha noocyadooda kale ee loo yaqaani (Linx Aviation Pilot School in Serbia) xarunteed weyn Belgrade.

Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa  la kulamay Milkiilaha Linx Aviation School ATO, ahna Madaxa Akadeemiyada, Captain Mladen Petković.
Danjiraha iyo Madaxa Linx ATO.

Labada dhinac ayaa  isla meel dhigay heshiis  ku saabsan in si dhow uga wada shaqeeyaan iskaashiga iyo tababaridda Duuliyeyaal Soomaaliyeed iyo in fursad la siiyo dhallinyaradda Soomaaliyeed, si ay u helaan mustaqbal ifaya, ugana faa’iideystaan fursadaha waxbarasho ee dhanka duuliyenimadda iyo Gaadiidka hawadda.
“Waxaa xaqiiq ah in dhallinyaradda Soomaaliyeed ay mudan yihiin in loo raadinayso fursdo ay mar walba ku heli karaan aqoon iyo cilmi si ay u gaaraan hiigsiga fog ee mustaqbalkoodda ‘’ ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed.