U bood dhigaalka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Switzerland, ahna ergeyga joogtada ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva Khadra Ducaale ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo waxaa ka gudoomay Agaasimaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, Tatiana Valovaya.

Danjire khadra Ducaale ayaa Soomaaliya u fadhin doonta dalkaasi Switzerland oo kamida dalalka muhiimka u ah Soomaaliya ee qaaradda Yurub, ayadoo sidoo kale ku matali doonta arrimaha Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva.

Soomaaliya oo dhowaan qeyb ka noqatay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa wadda dadaal ay ku xoojinayso saamaynteeda arrimaha dibedda iyo iskaashiga dalalka dunida kala dhexeeya.