U bood dhigaalka

Dab ka dhacay maqaayad ku taalla degmada Waaberi wax ka ogow khasaaraha ka dhashay

Sheeko:War

Dab xooggan oo khasaare baaxad leh sababay ayaa qabsaday goob ganacsi oo maqaayad ahayd, taas oo ku taalla degmada Waaberi, gaar ahaan agagaarka saldhigga booliiska, waxaana ka dhashay baaba’ hantiyeed oo xoog leh.

Haweenayda maqaayaddaas milkiilaha ka ahayd oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in hantidii goobtaas taallay ay dhammaanteed dabka ku basbeeshay dabka, sidoo kale waxay xoguhu tilmaamayaan in qof kamida dadkii goobta ku sugnaa uu dhaawac soo gaaray, islamarkaana la geeyay xarumaha caafimaadka.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Koranto, waxayna sawirrada iyo muuqaallada maqaayaddaas oo lagu asturan laga soo qaaday muujinayaan burbur xooggan oo goobta gaaray.