U bood dhigaalka

Khasaare baaxad leh oo ka dhashay kaalin Shidaal oo ku gubatay magaalada Garoowe

Khasaare hantiyeed oo baaxad leh ayaa ka dhashay dab fiidnimadii xalay qabsaday kaalin shidaal oo ku taalla bariga magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, ahna caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Dabka oo saacado badan lala tacaalayay, islamarkaana xilli dambe damintiisa lagu guulaystay ayaa sababay gubashada gawaari badan oo goobta taallay, halka kaalintii shidaalna ay si xun u basbeeshay.

Milkiilaha kaalinta shidaalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan waxba ka cayman hantidii goobtaas taallay oo shidaal iyo baabuurba isugu jirtay, asagoo tilmaamay in Qadar Alle ay wax waliba ku dheceen, islamarkaana ay ku qanacsanyihiin.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah dhaawac iyo dhimasho toona oo la xaqiijiyay in dabku sababay, balse dhammaan hantidii goobtaas taallay waxba kama badbaadin sida ay masuuliyiintu sheegeen.