U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka qeyb-galay shirka u dhexeeya Shiinaha iyo ururka Booliska bariga Afrika

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Salub Axmed Firin iyo wafdi Saraakiil uu hoggaaminaayo ayaa ka qeyb galay shirkii u horeeyay ee Dowladda Shiinaha iyo ururka Iskaashiga Boliiska Bariga Afrika (EAPCCO).

Shirkaan diiradda lagu saaray kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Shiinaha iyo Ururka Iskaashiga Boliska Bariga Afrika (EAPCCO) si looga hortago dembiyada Argagixisada, Dembiyada Abaabulan, iyo kuwa isaga gudba xuduudaha, si loo ilaaliyo badqabka dhammaan muwaadiniinta ku nool Bariga Africa iyo Shiinaha.

Sidoo kale, Taliyaasha Boliiska Bariga Afrika iyo Dowladda Shiinaha ayaa kala saxiixday Heshiis Isfaham oo ujeedadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga  iyada oo laga faa’idaysanaayo horumarka Teknolojiyadda casriga ah iyo tayeynta Hayadaha Amniga Bariga Africa.

Ugudanbeyn, waxaa la isla gartay muhiimadda joogteeyo kulamadaan, si loo adkeeyo is dhaafsiga  khibradaha amni iyo kuwa farsamo ee Ciidanka Bolioska Bariga Africa iyo Dowladda Shiinaha.