U bood dhigaalka

Xeyndaabka garoonka Aadan Cadde oo laga mamnuucay dhismayaasha dhaadheer

Sheeko:War

Xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, ku yaal ee Muqdisho, ayaa laga mamnuucay dhismaha dabaqyo ka dheer hal-biyaano.

go’aankaan ayaa ka hortagaya in dhismayaasha cusub ee garoonka ay dhaafaan hal dabaq, taasoo macnaheedu yahay in aan la dhisi karin dhismooyin dhaadheer.

Amniga Garoonka Aadan Cadde wuxuu muhiim u yahay amniga duulista hawada. Dhismayaal dhaadheer ayaa keeni kara arrimo amni, sida saamaynta muuqaalka garoonka iyo ka hortagga dhibaatooyinka suurtagalka ah ee ku yimaada diyaaraduhu sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Wasaaradda duulista hawada.

Dhismaha Hadda socda, Dhismooyinka hadda socda ee ka baxsan xeerkan ayaa la joojiyay si loo hubiyo in dhammaan dhismayaasha cusub ay waafaqsan yihiin shuruudaha xeyndaabka.

Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa sheegay in go’aankan uu yahay wada shaqeyn u dhexeeya maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, si loo xaqiijiyo in garoonka Aadan Cadde uu sii ahaado mid ku habboon oo ammaan ah.

Xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ka socda Dhismayaal kala duwan inta badan dhismayaashaasi waxaa leh mas’uuliyiin dowladeed.