U bood dhigaalka

Qoys ka koobnaa nin iyo xaaskiis oo lagu diley gobolka Galgaduud

Sheeko:War

Wararka ka imaanaya deegaanka Gaalyeel oo hoostaga magaalada Godinlabe ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegay in dablay hubaysani ay xalay halkaas ku dileen nin iyo xaaskiisa.

Falkan oo la xariira aano qabiil ayaa kamid ah dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa ee ay sababeen colaadaha beelaha ee gobolka Galgaduud, mana jiro wax war ah oo laamaha nabad-gelyadu ay arrintan ka soo saareen.

Gobalka Galgaduud ayaa kamida meelaha ay colaadaha beeluhu aanfeeyeen, waxaana maalmo ka hor dagaallo lagu hoobtay ay ka dhaceen deegaanno ku yaalla waqooyiga gobolka.