Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaqday xilliga ugu dambeeya ee la xirayo Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, kaas oo magiciisa loo soo gaabiyo UNSOM, islamarkaana muddo dheer saameyn ku lahaa xaaladda dalka.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo arrintan xafiiska UNSOM wax laga weydiiyay ayaa sheegay in sanadka soo socda ee 2025 si weyn hoos loogu dhigo doono saameynta uu xaafiiskaasi ku leeyahay arrimaha Soomaaliya, islamarkaana la dhimi doono shaqaalaha ka howlgala, ayadoo qaarkood dad Soomaaliyeed lagu badelayo.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in sanadka 2026 ugu dembayn si rasmi ah loo xiri doono Xaafiiska UNSOM, asagoo xusay inay xilligaas ka horreeya dowlada kala shaqayn doonaan arrimaha doorashooyinka iyo Dastuurka, wuxuuna tilmaamay in UNSOM ay u dhiganto dowlad oo dalka wax maamulaysa taasina aysan sii socan karin.




From the comments