Dowladda Sweden ayaa ku dhawaaqday in ay lacag malaayiin dollar ah ku dhiirigelineyso qaxootiga ay ku jiraan Soomaalida doorta inay dalalkooda iskood ah ugu laabanayaan.
Talaabadan oo la dhaqan galin doono laga bilaabo sanadka 2026, ayaa galootiga si iskood ah uga taga Sweden waxay ku heli doona lacag dhan 350,000 oo karoon Swedish ah, taas oo u dhiganta ilaa $34,000 oo deeq ah, sida ay sheegtay shabakadda Channels News.
Qorshahan ayaa qayb ka ah siyaasadda cusub ee ay waddo dowladda, taas oo lagu dhimayo dadka soogalootiga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha la xiriira isdhexgalka bulshooyinka.




From the comments