Muslimiinta dunida ayaa maanta u dabbaal-degaya dhalashada Nebi Muxamed (NNKH) oo ku beegan 12-ka bisha ay Soomaalidu mowliidka u taqaanno, madaxda Islaamka ayaana bulshooyinkooda u diray tahniyado ku aaddan munaasabadan qeymaha badan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo dadyowga Islaamkaba ugu hambeeyay munaasabadda mowliidka, asagoo ku booriyay inay ku daydaan dhaqankii suubanaa ee Rasuulka (NNKH).
Sidoo kale shaqaalaha dowladda ayaa la fasaxay si loo muujiyo weynaynta munaasabaddan diiniga ah, waxaana la filayaa in maanta caasimadda dalka iyo gobolladaba lagu qaban doono xaflado waaweyn oo ku saabsan mowliidka.




From the comments