U bood dhigaalka

Xoghayaha Guud ee IGAD oo Muqdisho soo gaaray

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo xoghayaha fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyeh.

Wafdiga ka socda IGAD ayaa kulamo kala duwan la qaadan doonnaa Madaxda Qaranka.

Imaanshaha Wafdigaan ayaa kusoo beegantay xilli Itoobiya, Suudaanta Koonfureed iyo Jabuuti saxiixeen dibu qaabeynta cusub ee Urur gobaleedka IGAD.

Wafdiga ayaa lagu waddaa in Soomaaliya ay ku qanciyaan dib habeynta qaabeynta cusub ee Ururka.

IGAD ayaa lagu eedeeyaa in ay ka gaabisay howlaha nabadeynta dalalka Bariga Afrika.