U bood dhigaalka

Faahfaahinno ka soo baxaya diyaarad Helicopter ah oo la sheegay inay ku dhacday duleed Afgooye

Wararka ka imaanaya deegaanka Carbiska ee u dhow degmada Afgooye ayaa sheegaya in Diyaarad noocw qumaatiga u ahi  ay ku dhacday beer u dhow Xero ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaankaas.

Diyaaradan ayaa la sheegay inay waday Hub tiro badan, sidoo kalena ay  La socdeen 4 qof oo aan xog dhamaystiran laga hayn cidda ay yihiin, kuwaas oo ka baxay magaalada Muqdisho, islaamrkaana ku sii jeeday Garoonka Mlitariga Belidoogle ee gobolka Shabellaha hoose.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Diyaaradda ay qabsatay cilad dhanka Matoorka ahi, afarta qof ee saarnaa ay soo gaareen dhaawacyo kala duwani, balse weli xogta diyaaraddaas oo dhamaystiran lama helin, dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada ATMIS midkoodna kama hadlin, waxaana jira shaki ah inay kooxda Alshabaab hub u siday .