U bood dhigaalka

Muxuu ka dhiganyahay dhismaha golah Danjireyaasha dalalka Carabta ee Soomaaliya?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay inuu gacan ka geysan doono xoojinta xariirka iyo iskaashi Soomaaliya iyo dalalka Carabta.

Furitaanka golahan ayaa la sheegay inuu ka shaqeeyay madaxa wakiillada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi, sidoo kalena dowladda Soomaaliya ay kaalin weyn ku lahayd.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa furitaankii golah ka sheegay in ay muhiim tahay midnimada dalalka Jaamacadda Carabtu, islamarkaana ay ahmiyadda gaar ah u leeyahay Soomaaliya, asagoo intaa ku daray Jaamacadda Carabtu ay mowqif adag ka istaageen damaca guracan ee Itoobiya ku doonayso badda Soomaaliya.

Haddaba furitaanka golahan ayaa ka qeyb ka ah dadaallada diblumaasiyadeed ee ay Soomaaliya uga hortagayso tillaabooyinka gardarrada ah ee ay waddo xukuumadda Addis Ababa, waxayna xeeldheereyaasha rumaysanyihiin in tillaabadan ay xoojinayso saameynta Soomaaliya ee dhinaca diblumaasiyadda iyo kor u qaadista xariirka iskaashi iyo walaalnimo ee kala dhexeeya dalalka Carabta.

Goobjoog.com