U bood dhigaalka

Ciidanka Booliska Soomaaliya oo xiray nin lagu eedeeyay kicin dadweyne

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Yuusuf Cabdi Xasn (Sandheere )oo loo haysto kicin dadweyne iyo iska horkeenid bulsho, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Booliska.

Ninkan oo maalmo ka hor si qabiilaysan uga hadlay kiiska eedeysane Sayid Cali Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisa, waxayna booliisku sheegeen in ay horgeyn doonaan maxkamad qaadidda galdacwadeedkiisa awood u leh.

Sidoo kale booliisku waxay bulshada ka codsadeen inay la soo socadsiiyaan falkasta oo nabad-gelyada lid ku ah, ayagoo la xariiraya tirsiga Ciidanka ee ah 991 ama farriin sidaha @bolice.gov.so